Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Maxkamadaha oo iska fogeeyey eedeyn kaga timid dowlada

Published on: 2007-08-24 11:59:04

(SomaliNet) Guddoomiyaha guddiga fulinta maxkamadaha islaamka ayaa beeniyay in Maxkamadaha ay ka dambeeyaan dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlayey warbaahinta gudaha isagoo ku sugan magaalada Asmara ayaa waxa uu sheegay in dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo ay ka dambeyso dowladda Ethiopia, taas oo ay u soo tababaratay dad gaar ah oo laga keenay gudaha Ethiopia.

\" Maxkamadaha islaamka ma ahan kuwo laaya dadka rayidka ah, waxaadna ku ogaan kartaan in markii aan ka talin jirney Muqdisho aanu sidaasi dhici jirin\" ayuu yiri Sheekh Shariif oo si weyn u cambaareeyay dilalka ka dhaca caasimadda.

Sheekha ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada iyo tacdiyada ka jira Muqdisho ay ka dambeeyaan ciidamada dowladda Ethiopia iyo rag kale oo jawaasiis u ah sida uu hadalka u dhigay Sheekh Shariif.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa waxa uu yimid xilli magaalada Muqdisho ay ka jireen dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka wax galka ah, dilalkaasi oo dowladda KMG ah ay horey ugu eedeysay in ay ka dambeeyaan waxa ay ku tilmaameen haraadigii maxkamadaha islaamka Somalia.

Dhinaca kale Sheekh Shariif ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dadkii rayidka ahaa ee laga barakiciyay magaalada Muqdisho lagu tilmaamo argagixiso, isagoo sheegay in arinkaasi uu tahay mid qaldan.

Hadalka Sheekha ayaa waxa uu daba joogaa hadalo Max\'ed Dheere uu ka jeediyay shir Jaraa\'id uu ku qabtey xarunta Comando Bulusiya 20 kii bishaan oo uu ku tilmaamay dadka ku barakacay duleedka Muqdisho in ay yihiin argagixiso.


Back to Category