(SomaliNet) Midawga Africa ayaa shaaca ka qaadoo ay inaydhawaan dhameytiri doonaan ciidamada midawga Africa ay hore u balan qaadeen, kuwaasoo tiradoodu ay gaareyso 8-Kun askari.
Alpha Omer Conneri oo ah gudoomiyaha ururka midawga Africa ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan loogu diri doono dalka Somalia ciidamadii ay hore ugu balan qaaden dalalka midawgaAfrica inay u diraan dalka Somalia, isagoo sheegay inay ka codsanayan dalalkii balan qaaday inay ciidamo u diraayan dalka Somalia inay soo dhameystiraan balan qaadkii ay hore u sameeyeen.
Hadalka ka soo baxay ururkamidawga Africa ayaa ku soo beegmaya xili ay soo baxayaan inaan wali la siinin musharaadkii ay lahaayeen ciidamada dalka Uganda ee howlaglada nabad ilaalinta ka wada dalka Somalia, kuwasoo aan helin mudo 3 bilood ah.
Sidoo kale madaxweynaha dalka Ghana ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in ciidamo dheeraad ah la geeyo Somalia iyo koofurta dalka Sudan ee Daafuur.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!