(SomaliNet) Kooxo hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa fiidnimadii caawa Nin Ganacsade ku toogtay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, sida ay dadka deegaanka ay xaqiijinayaan.
Marxuumka la dilay oo magaciisa lagusoo koobay Cabdifitaax ayaa si bareer ah looga toogtay oo ay rasaasta ka dhacda Bastooladda ka haleeshay madaxa.
Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa falkaasi ka dib goobta soo gaaray, waxayna isku gadaameen agagaarka Hoyga uu falku ka dhacay.
Lama oga cidda ka dambaysa dilkan marxuunkan oo la sheegay inuu ahaa Ganacsade si aad ah looga yaqaanay Xaafadda, balse waxa uu qeyb ka yahay dilkiisa falalka ugaarsiga dadka rayidka ah ee mudooyinkan caadiga ka noqday Caasimadda
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!