Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Puntland iyo Somalia oo wali darfaha is heysta

Published on: 2007-04-15 07:49:11

(SomaliNet) Dagaalkii u dhaxeeyay mamaulada Somaliland iyo Puntland ayaa shalay mar kale qarxay, iyadoo labada dhinacba ay sheeganayaan inay guulo ka gaareeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhahar.

Cabdiraxmaan Bangax iyo Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo ah wasiirada warfaafinta ee labada dhinac is haya ayaa mid kasta si gooni ah u sheegtay inay guulo ka gaareen dagaaladii shalay ay isaga hor yimaadeen cidiamada Somaliland iyo Puntland, iyadoo koox wali ay sheegayaan inay gaadiidka dagaalka ka qabsadeen dhanka kale, hase yeeshee ma jirto ilaa hadda warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaalka markii hore ay qaadeen ciidamada maamulka Puntland, iyadoo dagaalkii Dhahar ee shalay uu gaaray ilaa iyo gabal gaabkii, ayna jiraan maxaabiis lakala qabsaday intii uu dagaalkaasi socday.

Masuuliyiin ka tirsan laba maamul kana soo jeeda dadka deegaanka , ayaa wali ku sugan gudaha magaalada dhahar iyo waliba goobaha ay ciidamo kala fadhiyaan.

Waxayna masuuliyiintan qolo kastaaba ay dhankeeda ka wadaa abaabul-dagaal iyagoo iska soo horjeeda.

Masuuliyiinta Puntland ee dhahar iyo aagaas ku sugan ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Wasiirudawlaha Madaxtooyada Puntland Cali-buureed.

Dhanka kale wakiilka xog-hayaha guud ee Q.M Francios Foll ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya deegaanka Dhahar inay qaab nabadeed ku dhameeyaan waxyaabaha ay isku hayaan.

Dagaalada ka socda deegaanka Dharar ayaa salka ku hayo murano la xiriira dhinaca soohdimaha u dhaxeeya labada maamul, iyadoo qolo walba ay sheeganayaan inay iyadu laad degaamo ay ka mid yihin Dhahar iyo meelo kale oo uu muran ka taagan yahay.

Back to Category