Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Puntland oo sheegtay inay soo afmeertay dagaalkii Baargaal

Published on: 2007-06-03 07:21:43

(SomaliNet) Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay ku dileen dagaalkii ay kula galeen deegaanka Baargaale ee Gobolka Bari xubno argagaxiso caalami ah oo ka yimid dhanka Konfureed ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa sheegay in ay guul ka soo hoyeen dagaalkii ay la galeen dagaalyahano shisheeye ah iyo kuwa Soomaali ah oo ka yimid dhanka konfureed ee Soomaaliya , waxaana uu tilmaamay in Xubno argagaxiso oo ka soo jeeda Wadama lix ah oo ka mid yihiin Mareykanka , Britian , Pakistan iyo kuwa kale ay dagaalkaasi ku dileen.

Laakiin Mas’uulka u hadlay Maamulka Puntland ayaanu soo bandhigin wax cadeymo ah oo arrintaasi la xiriira .

Gaagaab ayaa xusay in dagaalkii kooxaha ajaanibta ay kula jireen uu soo afmeermay kadib markii Mareykanka uu duqeyn la beegsaday buurihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahanada ka dagaalamaya deegaanka Baargaale ee halkaasi ku tagay doomaha uu hogaaminayay Aadan Xaashi Ceyrow, hase yeeshee ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya jiritaanka warkaasi.

Back to Category