(SomaliNet) Masuuliyiin ka tirsan ciidamada booliska ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay xirxireeen dad kaga yimid dhanka magaalada Muqdisho, isla markaana ay been abuur tahay inay Muqdisho ka soo qaxeen.
Taliyaha saldhiga booliska ee Gawoore Cabdi Gaab ayaa saxafada u sheegay inay hayaan dad gaarayaa ilaa boqolaal qofood, kuwaasoo uu sheegay in laga soo diray magaalada Muqdisho si buu yiri ay amaanka maamul goboleedka Puntland ay qal qal u galiyaan, wuxuuna intaasi sii daba dhigay in haatan uu baaritaano ku socdo hadii dambigaasina uu ku cadaadana sharciga la horkeeni doono.
Dadka maamulka Puntland ku qabqabteen ayaa lagu soo waramayaa inay ahaayen dad rayid ah oo Muqdisho isaga cararay kadib markii ay u adkeysan waayeen madafiicda iyo hoobiyayaasha Muqdisho ka socda, iyadoo markii ay halkaasi tageen ay maamulka Puntland ku eedeeyeen inay yihiin xubno ka tirsan ururkii laga itaalka roonaaday ee midawga maxkamadaha islaamka ee Somalia sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulak Puntland.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!