Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Q.M oo canbaareysay dilkii Ciise Cabdi Ciise

Published on: 2007-03-16 08:47:01

(SomaliNet) Hay-ada Q.M ayaa si weyn u canbaareysay dilkii magaalada Muqdisho loogu geystay Ciise Cabdi Ciise oo ahaa madaxii hay-ada horumarinta iyo nabada ee Kasima, kaasoo ay kooxo aan la garan heybtooda ay Muqdisho ku dileen.

Q.M ayaa dilka marxuum Ciise Cabdi Ciise ku tilmaamtay qasaare soo wajahan ummadda soomaaliyeed, waxayna ugu baaqday shaqaalaheeda gar gaarka ee Somalia ka howlgalo inay si raxadar leh uga feejignaadaan rabshadaha sii kordhaya ee Somalia ka jira, taasoo la sheegay inay bartilmaameed noqonkaraan.

Eric Laroche oo ah madaxa isku xirka xaquuqda arimaha baniaadanimo ee Q.M ee dalka Somalia ayaa hoosta ka xariiqay in Ciise uu horyaal u ahaa nabada iyo xaquuqda aadanaha ee gobolkaasi mudo sannado ah, wuxuuna dhimashada Ciise ku macneeyay inay tahay qasare soo gaaray ummadda soomalaiyeed, gaar ahaan shaqaalaha gargaarka ee dalka Somalia iyo bulshada rayidka ee soomalaiyeed, wuxuuna wel wel ka muujiyay in bartlmaameed ay noqonkaraan shaqaalaha Q.M ee Somalia ku sugan.

Q.M ayaa sheegtay in amandarada ka taagan dalka Somalia ay isaga carareen dad lagu qiyaasay inay dhan yihiin ilaa 4 kun oo qofood.

Back to Category