Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Q.M oo nabad ugu baaqday Puntland iyo Somaliland

Published on: 2007-04-14 08:03:28

(SomaliNet) Wakiilka xog-hayaha guud ee Q.M u qaablsan arimaha dalka Somalia Francois Foll ayaa baaq nabadeed u diray maamulada Puntland iyo Somlailand.

Foll oo qoraal uu kaga hadlayo xiisadaha ka soo cosboonaaday Puntland iyo Somaliland ka soo saaray magaalada Nariobi ee dalka Kenya ayaa ku sheegay inay tahay wax aad looga xumaado xiisahada coaladeed ee u dhaxeeya maamulada Somaliland iyo Puntland, wuxuuna ku tilmaamay maamulada iska soo hor jeeda inay ahaayeen goobaha ugu nabdoon ee dalka Somalia ka jiray tan iyo intii Somalia ay ka dhaceen dagaaladii sokeeyeee dalka soo maray.

Foll wuxuu ugu baaqay masuuliyiinta maamulada Somaliland iyo Puntlnd inay wixii qilaaf ah ee jira lagu dhameey wadahadal, isagoo tilmaamay in hadii ay sii socdaan iska hor-imaadyada ka jiraa deegaanadaasi ay horseedikaraan barakac iyo inay hakad galaan gargaarka bani-adanimo ee halkaasi la gaarsiiyo.

Waa baaqii ugu horeeyay ee Francios Foll uu u jeediyo maamulada Puntland iyo Somaliland, kaasoo lagu dalbanayo in dagaalada ka soo cusboonaaday tuulada Dhahar ee ay isku hayaan labada dhinac ay jojiyan, isla markaana nabad lagu dhameeyo waxyaabaha ay kala tabanayaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Back to Category