Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qaadashada hubka oo laga mabnuucay gobolka Shabeeladda dhexe

Published on: 2007-06-16 08:23:00

(SomaliNet) Maamulka gobolka Shabeeladda dhexe ayaa maanta soo saaray wareegto lagu mabnuucayo qaadashada hubka sharci darada ah ee gudaha gobolka Shabeelada dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee gobolka Shabeeladda dhexe md Axmed Jaandhaay ayaa maanta soo saaray wareegto lagu xakameynayo sidashada hubka sharcidarada ah ee gobolkaasi lala dhexmaro, isagoo wareegtadaasi ku sheegay in qofkii lagu helo isagoo sita hub sharci-darro ah loo arki doono inay halis ku tahay amaanka gobolkaasi.

Jaandhaay wuxuu kaloo uu wareegtaadiisa ku xusay in talaabadani looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo amaanka gobolka, taasoo uu sheegay inay tahay waajib ka saaran masuuliyiinta maamulka gobolkaasi.

Wareegtadani ka soobaxday gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee gobolka Shabeeladda dhexe ayaa ku soo aadeysa xili dadka deegaanka ku dhaqan ay ka cabanayaan kooxo ku adeegto dresska ciidamada dowlada federaalka Somalia, kuwaasoo waxyeelo kala duwan u geysta shacabka ku nool deegaamada hoos taga gobolka Shabeeladda dhexe.

Dadka ku nool deegaamada kala duwan ee gobolak shabeeladda dhexe ayaa si weyn u so dhaweeyay wareegtada uu soo saaray masuulka ka tirsan maamulka gobolka, iyagoo ku tilmaamay inay wax weyn ka tari doonta xaalada amaandaro ee in mudaaba ka taagneyd gobolka Shabeeladda dhexe ee Somalia.

Dhanka kale qeybo ka tirsan gobolada dalka Somalia ayaa laga soo sheegayaa amaandaro sii baaheysa tan iyo markii ay dowlada federaalka Somalia la wareegtay gacan ku heysta goboladaasi.

Back to Category