(SomaliNet) Ciidamada dowlada federaalka ee Somalia iyo kuwa Ethiopian-ka ah ayaa gurigiisa kala baxay qadiibkii masjidka isbaheysiga islaamka Sheekh Cabdiraxmaan Cabdi Culusoow oo loo yaqano Shariifka.
lama yaqaano sababaha ay ciidamadu ugala baxeen qadiibka gurigiisa, hase yeeshee waxaa loo maleynayaa in lala xiriiranayo inuu saaxiib dhaw la ahaa qaar ka mid ah masuuliyiintii midawga maxkamadaha islaamka Somalia ee laga itaalka roonaaday.
Sidoo kale kooxo dhalinyaro ah ayaa guryahooda oo ku yaala deegaanka Madiina lagala baxay xalay, kadib markii ay ciidamao Ethiopian oo si weyn u hubeysay ay raggaasi dhalainyarada ah ay ka kaxeysteen deegaamadooda, iyadoo sidoo kale nin wadaad oo ka mid ahaa taageerayaasha midawgii maxkamadaha islaamka isna gurigiisa oo ku yaalo isla Muqdisho la kaxeystay.
Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dowlada federaalka ee somalia ee ku aadan dadkaasi guryahooda lagala baxay.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!