(SomaliNet) Hal qof ayaa ku geeriyooday, iyadoo tiro intaa ka badana uu dhaawac ka soo gaaray ka gadaal markii bambaano xalay lagu weeraray saldhiga degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Weerarka bambaano ayaan la garan ilaa iyo hada kooxdii ka dambeysay, iyadoo wararku ay sheegayaan in raggii falkaasi geystay ay baxsadeen markii uu qaraxu dhacay, iyadoo qofkii ku geeriyooday iyo kuwa kale ee dhaawaca ka soo gaaray ay ahaayeen sida la sheegay dadka deegaanka oo halkaa ka ag dhowaa xiigii uu qaraxu dhacayay.
Waa qaraxii labaad ee lala beegsado saldhigaasi tan iyo markii ay dowladu gabi ahaan la wareegtay Muqdisho, iyadoo dhawaan weerar kale oo lala beegsaday saldhigaasi ay sababtay in bandoow lagu soo rogo dhamaanba deegaanka Heliwaa ee magaalada Muqdisho kadi markii uu amar ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir lagu sheegay in wixii ka dambeeya 6da maqribnimo ilaa iyo 6da aroornimo ay bandoow tahay, taasoo ilaa iyo hadda aysan waxba iska bedelin.
Dhanka kale qarax xoogan ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay Buulo-gaduud ee agagaarka magaalada Kismaayo ee xarunta goboka Jubba hoose, iyadoo qaraxaasi uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca qof kale, kadib markii qoriga baasuukaha loo yaqaano uu si kama ah uga fakaday mid ka mid ah ciidamada deegaankaasi.
Qaraxyada ayaa u muuqanayo kuwa sii xoogeysanayo, iyadoo dowlada federaalka ee Somalia ay dadaal xoogan ugu jirto sidii ay uga hortagi laheyd qaaxyada Muqdisho ka dhaca iyo soo qabashada kooxaha geysta weerarada nuucaas ah oo kale.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!