Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax bam oo ka dhacay Kismaayo

Published on: 2007-03-23 09:15:24

(SomaliNet) Gabar yar oo 4 sanno jir ah ayaa ku geeriyootay, iyadoo afar qofood oo kale uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu qarax ka dhacay xalay magaalada Kismaayo.

Qaraxasi ayaa sida wararku sheegayaan ahaa bamka gacanta laga tuuro, kaasoo lala damacsanaa in lagu tuura saldhiga booliska ee Kismaayo ayaa waxaa la sheegay in bamku uu ku dhacay geed ku yaalo halkaasi, kadibna uu dib ugu soo laabtay guri saldhiga agtiisa ku yaalo taasoo sababtay dhimasha iyo dhaawaca soo gaaray dadka rayidka ah ee halkaasi ku noolaa.

Dad ku sugnaa goobta uu bamku ku qarxay ayaa sheegay in bamka aan laga tuurin agagaarka saldhiga Kismaayo, waxayna sheegeen in dadkaasi ay filayaan in bamka laga soo tuuray meel ka fog saldhiga.

Ciidamada booliska ee saldhiga Kismaayo ayaa wali ku mashquulsan bal inay helaan kooxdii ama ruuxii ka dambeeyay weerarka bambaano ee saldhiga loola dan lahaa.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xili uu shalay sheegay taliyaha guutada 1aad ee cidiamada dowlada Somalia ee Kismaayo ku sugan Col, Afgaduud inay jiraan dad ka tirsan midawga maxkamadaha islaamka oo Kismaayo jooga, kuwaasoo uu ugu baaqay inay isisoo diiwaangaliyaan.

Back to Category