Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax bambaano oo Afgooye ka dhacay

Published on: 2007-03-16 08:39:27

(SomaliNet) Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in qarax bambaano uu degmadaasi ka dhacay maanta.

Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku geeriyootay, iyadoo 3 kalena uu dhawac ka soo gaaray qaraxa, kadib markii bam an la garan uu ku qarxay qoys deganaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose, waxaana lagu soo warayaa in haatan baaritaan lagu hayo waxa dhaliyay qaraxa.

Dadka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa tilmaamay in qaraxu uu ahaa mid xoogan, iyadoo aan ilaa hadda la shaacin cida ka dambeysay bamkaasi qasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba u geystay qoys ka id ah dadka ku nool Afgooye.

Dhibaatooyinka uu sababo qaraxyada ayaa ku soo badanaya dalka Somalia, iyadoo magalada Muqdisho ay boqolaal qofood ugu geeriyoodeen qaraxyo bambaano tan iyo markii ay dowlada federaalka ee Somalia ay la wareegtay gacan ku heynta goobihii ay maxaakiimtu ka talin jireen.

Back to Category