Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax bambaano oo ka dhacay Baladweyne

Published on: 2007-05-30 08:55:21

(SomaliNet) Ugu yaraan ilaa 4 askari oo Ethiopian ah ayaa ku geeriyootay, iyadoo tiro intaasi ka badana uu dhaacan ka soo gaaray kadib markii uu qarax miino ka dhacay gudaha magalada Baladweyne oo 360K.M. waqooyi kaga beegan Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Ethiopia oo marayay gudaha magaalada Baladweyne, iyadoo ay ciidamadu fureen rasaas aad u xoogan kadib markii uu qaraxu dhacay sida uu Somalinet qadka telefoonka ugu sheegay Cali Xasan oo ka mid ah dadka deegaankaasi.

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan xerada Janta Kuundishe ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u soio galeen magaalada, iyadoo ay guud ahaanba ay xanibaad ku soo rogeen isku socodka dadka iyo dhaq-dhaqaada ganacsi ee ka socday magaaladaasi.

Qaraxyada lala beegsanayo ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia ayaa sii kordhaya tan iyo markii uu dhamaday dagaalkii ka dhacay Muqdisho dhawaan, iyadoo sidoo kale masuuliyiinta dowlada iyo kuwa maamulka gobolka Banaadir ay ka badbaadeen qaraxyo lagu doonayay in lagu dilo, hase yeeshee ay ka badbaadeen weeraradaasi.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee weerar nuucaan oo kale ah lagu qaado ciidamada Ethiopia ee Somalia ku sugan.

Back to Category