(SomaliNet) Ugu yaraan labo caruur ah ayaa ku geeriyootay, iyadoo tiro intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii saakay uu qarax ka dhacay meel u dhow wasaaradii hore ee boostada iyo isgaarsiinta.
Qaraxaa ayaa ka dhashay bam gacmeed lagu qariyay meel ay ka socotay howlo nadaafadeed sida uu sheegay ku xigeenka dhanka amaanka iyo siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir md Cabdifitaax Ibraahim Sabriye oo saxaafada la hadlayay.
Cabdifitaax wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in ciidamada booliska ay goobta isla markiiba soo gaareen, kadibna ay haalkasi ka qabteen rag uu sheegay inay halkaasi ku sugnaayeen xiligii bamka uu qarxayay, kuwaasoo uu tilmaamay in baaritaan lagu sameyn doono.
Qaraxaan ayaa ka dhacay wadada Jubba oo ah wado ay si weyn u isticmaalaan ciidamada dowlada federaalka ee Somalia iyo masuuliyiinta dowlada.
Dhanka kale waxaa saakay nin ku hubeysan baastoolad uu ku dilay afaafka hore ee shirkada isgaariisiinta ee Tel-com Somalia xarunteeda ay Muqdisho ku leedahay nin kale oo rayid ah, isagoo ninkaasi uu sidoo kale dhaawac u geystay qof kale oo isla goobtaasi ku sugnaa.
Lama yaqaano sababaha rasmiga ee ninka hubeysan uu u dilay ninka rayid ah, iyadoo isla goobta ay soo gaareen ciidamada dowlada federalka ee Somalia ee ku sugan saldhiga booliska ee Howl-wadaag, kuwasoo gabi ahaanba xiray xarumihii ganacsi ee halkaaso ku yaalay, waxayna ciidamadu ay haatan baarayaan sababaha dhaliyay dilka ninkaasi iyo qofka geystay dilka, laakiin dad goob jog ah ayaa Somalinet u xaqiijiyay in ninka dilka geystay uu isla xiligiiba baxsaday.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa faraha ka sii baxaya xili ay maamulka gobolka Banaadir la tacaalayaan sidii ay wax weyn uga qaban lahaayeen amandarada ku sii baaheysa Muqdisho, inkastoo la dhihikaro maamulka gobolka wuxuu qabtay wax weyn.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!