Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax ka dhacay Baydhabo

Published on: 2007-06-17 08:55:44

(SomaliNet) Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday, iyadoo sadex kalaena uu dhaawac kas oo gaaray kadib marki bam lagu tuuray xarunta bankiga dhexe ee magaalada Baydhabo.

Qaraxaasi oo xalay ak dhacay Baydhabo ayaa sida la sheegay aha bam gacmeed lagu tuuray xarunta bankiga ee magaladaasi, halkaasi ay qasrooyin kale duwan ay ka soo gaareen qaar ka mid ah shaqaalihi bangigaasi iyo ilaalada goobta uu bankigu ku yaalo.

Taliyaha ciidamada booliska ee Baydhabo Aadan biid ayaa sheegay in ciidamada booliska ay ku daba jiraan kooxihi ka dambeeyay bamka xalay lagu tuuray xarunta bankiga ee magaalada Baydhabo, wuxuna tilmaamay in sharciga la horkeeni doono raggaasi geystay qaraxa ka dhacay Baydhabo.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Baydhabo md Axmed Maadeey Isaaq ayaa sheegay in qaraxa ay ak dambeeyeen wax uu gudoomiyuhu ugu yeeray kooxo xiriir toos ah la leh ururka Al-qaacida, wuxuuna cadeeyay in magalada Baydhabo ay taahan ku guda jirto heegan buuxa si buu yiri looga hortago dhibaato kale oo ka dhacda Baydhabo.

Waa qaraxii labaad ee todobaadkan gudahiis ka dhaca magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo qaraxii kan ka horeeyay ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 5 ruux, dhaawacuna uu kor u dhaafayay 10, waxayan tani wel wel hor leh ku dhalisay dadka ku dhaqan Baydhabo oo ku tilmamay inay dhici karaan falal kale oo dhibaato u horseeda shacabka ku nool magaaladaasi.

Back to Category