Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax ka dhacay Ceel-Cirfiid ee duleedKa Muqdisho

Published on: 2007-03-26 07:29:56

(SomaliNet) Qarax aad u culus ayaa maanta ka dhacay xero ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cirfiid ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxasi ayaan la ogeyn waxyaabaha sababay, iyadoo dadka qaarkiis ay tilmaamayaan in waxyaabaha qarxay ay ka dhex dhasheen gudaha xeradaasi, halka dad kale ay ka rumeysan yihiin in qaraxu uu ahaa wax lagu soo tuuray xerada ay degan yihiin ciidamada Ethiopia, balse rasaas xoogan oo ay fureen ciidamada Ethiopia ee xeradaasi ku sugan ayaa sababay dhimashada hal ruux oo la sheegay inuu ahaa nin tagsiilaa oo wadada marayay.

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalka Somalia ayaa tan iyo markii ay soo gaareen dalka Somalia waxaa lala beegsadaa weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah ciidamadaasi, kuwaasoo la doonayo inay dalka Somalia isaga baxaan.

Ra\'iisul wasaraha Ethiopia Miles Zanawi ayaa dhowr jeer ku cel celiyay in ciidamada Ethiopia ay isaga baxayaan dalka Somalia, hase yeeshee wali ma muuqato in ciidamada Ethiopia ay ka baxayan Somalia, inakstoo qeybo kamid ah ciidamada Ethiopia ay dalka Somalia ka baxeen.

Back to Category