(SomaliNet) Labo ruux ayaa kugeeriyootay inta la hubo, iyadoo tiro intaasi ka badan uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii qarax xoogan uu saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka meel u dhaxeeysa wadada Via Liberia iyo Taleex.
Markii uu qaraxu dhacay ayaa waxaa durbadiiba halkaa gaaray ciidamada dowlada federaalka ee Somalia, kuwaasoo baaritaano ku hayo halka uu qaraxu ka dhacay iyo qaabka uu qaraxu u dhacay.
Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya saacado kadib markii isgoyska Aadan Cadde uu xalay qarax kale uu ka dhacay, iyadoo aad moodo in qaraxyada lala beegsanayo ciidamada dowlada federaalka ay sii kordhayaan marba marka ka dambeysa, waxana jirtay in habeen hore sidoo kale uu qarax kuwaaan la mid ah uu ka dhacay isgoyska Howl-wadaag oo aan sidaasi uga sii fogeen isgoyska Aadan Cadde uu qarax ka dhacay.
Ma jirto cid sheegay inay ka dambeeysao qaraxyada is daba xiga ee magalada Muqdisho ka dhacaya, iyadoo ay maamulka gobolka Banaadir uu horey u shaaciyay hadii uu qarax ka dhaco Muqdisho baaritaano lagus ameyn doono ilaa 100 guri oo ku yaalo halka uu qaraxu ka dhacay,waxayna xaaladaasi cabsi iyo wel wel ku beertay dadka ku dhaqan agagaarka halka uu qaraxyadu ka dhacaan, taasoo dhalisay in ciidamada dowladu ay qabtaan dad aan shaqo ku laheyn weerarada lala beegsanayo ciidamada dowlada ee howlgalada ka wada Muqdisho.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!