(SomaliNet) Qarax aad u xoogan ayaa saakay ka dhacay xarunta dalka Somalia ee Muqdisho, halkaasoo fariisin u ah dowlada federaalka ee Somalia.
Qaraxaan oo ka dhacay agagaarka Ex, Contorlkii hore ee Balcad ayaan ilaa iyo hada la ogeyn qasaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada Ethiopia oo qaraxaasi lala beegsaday.
Ciidamada Ethiopia ayaa rasaas aad xoogan furay kadibb markii uu qaraxaasu dhacay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in rasaastaasi ay waxyeelo u geystay dadka deegaanka qaarkiis, kuwaasoo ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacayay.
Qaraxyada lala beegsanayob ciidamada dowlada federaalka ee Somalia iyo kuwa Ethiopian ah ee taageerayo dowlada ayaa sii kordhaya malinbab maalinta ka dambeysa, iyadoo mararka qaar la dilo masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia, taasoo muujineysa in xaalada nabadgelyo ee Muqdisho ay fara ka sii baxeyso, iyadoo dowlada Somalia ay dadaal xoogan ugu jirto wax ka qabashada kooxaha dhibaatada ku haya shacabka soomaaliyeed.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!