(SomaliNet) Qarax aad u xoogan ayaa maanta ka dhacay agagaarka wasaaradii hore ee gaashandhiga ee magalada Muqdisho, halkasoo ay marayeen raxan ka tirsan ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan.
Lama yaqaano qasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamada Ethiopia ee halkaasi marayay, laakiin dadka deegaanka ayaa Somalinet u sheegay in walxaha qarxay ay ahaayeen miino nuuca dhulka la galiyo ah, waxayna intaasi ku sii dareen in kadib markii uu qaraxu dhacay ay ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah ay goobta soo gaareen, kuwaasoo dadka iyo gaadiidka u diiday inay maraan wadadaasi.
Qaraxyada ayaa maal-mahan dambe ku sii badanaya guud ahaan xaafadaha kala duwan ee ay Muqdisho ka kooban tahay.
Dhanka kale dowlada federaalka ee Somalia iyo ciidamada Ethiopia ayaa dhawaan ku wareejiyeen hub aad u fara badan oo badankood ahaa waxyaabaha qarxa, kuwaasoo ay sheegeen in laga soo ururiyay xaafadaha kala duwan ee ay Muqdisho ka kooban tahay, waxayna masuuliyiinta dowlada federaalka ee somalia ku tilmaamen in talaabadasi ay wax weyn ka tareysa nabadgelyada Muqdisho, laakiin wali waxaa muuqda inay qaraxyadu jiraan, iyadoo waliba lala beegsanayo ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Ethiopia marka ay marayaan wdooyinka Muqdisho qaarkood.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!