(SomaliNet) Ugu yaraan ilaa iyo 5 qofood ayaa ku dhaaqacantay in la hubo kadib markii uu qarax aad u xoog badan uu maanta ka dhacay deegaanka suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Xiliga uu qaraxu dhacayay ayaa waxaa halkaasi ku sugnaa ciidamo ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia iyo kuwa Ethiopian ah, iyadoo laga war qabo in deeganadasi ay maalmihii dambe uu bandoow ku soo rognaa.
Dad dhaawaca uu soo gaaray ayaa 4 kamid ah waxay yihiin ciidamada dowlada federaalka ee goobtaa kusugnaa sida ay dadka deegaanka xaqiijinayaan, iyadoo qaraxa lala begsaday ciidamada dowlada federaalka ee deegaanka suuqa xoolaha ku sugnaa.
Lama oga ilaa iyo hada kooxdii ka dambeysay qaraxaasi, iyadoo maal-mihii dambe ay soo badanayeen qaraxyada ka dhacayay Muqdisho.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!