(SomaliNet) Ugu yaraan ilaa iyo afar qofood ayaa dhaawac ka soo gaaray kadib markii qarax bambaano uui ka dhacay suuq lagu iibiyo Khaadka oo ku yaalo inta u dhaxeysa isgoyska Howl-wagaad iyo shirkadaha isgaariisinta ee Muqdisho.
Dad ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa Somalinet u sheegay in markii uu qaraxu dhacayay ay halkaasi marayeen qaar ka tirsan ciidamada booliska ee saldhiga Holw-wadaag, hase yeeshee lama shegin wax qasaare ah oo soo gaaray ciidamadii halkaasi marayay, iyadoo dadka dhaawacu soo gaaray ay ahaayeen dad rayid ah oo suuqa Khaadka lagu iibiyo ku sugnaa.
Wax yar kadib markii uu qaraxu dhacay ayaa waxaa la maqlayay dhawaaqa rasaasta oo ay ciidamadu dadku ku kala raacdeeynayeen, iyadoo jawiga guud ee goobta uu qaraxu ka dhacay ay mar qura is bedeshay.
Qaraxyo dhowr ah ayaa xalay gil gilay qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho xili uu bandoow saaran yahay casimada Somalia ee Muqdisho.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!