Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha

Published on: 2007-06-21 07:42:55

(SomaliNet) 2 ruux ayaa ku geeriyooday, iyadoo tiro intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii bam gacanta laga tuura uu ku qarxay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan booliska dowlada federaalka ee Somalia oo marayay gudaha suuqa, waxayna ciidanku markii qaraxu dhacay kadib ay fureen rasaas xoogan, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dadka suuqa ku sugnaa, iyadoo xaalada suuqa ay gabi ahaanba is xirtay mar qura.

Qaar kamid ah gacansatadii ku suganeyd suuqa Bakaaraha ayaa cadeeyay in qalaasaha ka dhashay maanta suuqa ay ka dambeeysay kadib markii ciidanka booliska ay baaritaan ku sameeyeen qaar ka mid ah dadka ku sugan gudaha suuqa, iyadoo booliska ay xiligaasi ku arkeen nin ka mid ah dadkii ay baareeyeen boostoolad, kadibna ay halkaasi ka dhaceen qalalaasihii maanta suuqa ka dhacay.

Dhawaaqa rasaasta ayaa si goos goos ah looga maqlayay gudaha suuqa Bakaaro ilaa iyo 15 daqiiqo, taasoo ay isweydaarsanayeen ciidanka booliska Somalia iyokooxo huebysay oo gudaha suuqa ku jiray, waxana markaa kadib suuqa soo gaaray ciidamo ka tirsan dowlada federaalka Somalia oo aad u fara badan kadib xiray dhaq dhaqaaqii suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Suuqa Bakaaraha wuxuu ka mid ah goobaha ugu weyn ee dhaq dhaqaaqa ganacsi ee dalka Somalia, iyadoo ganacsatada suuqaasi ay ka walaacsan yihiin xaaladaha maal-mahan dambe ku soo badanaya gudaha suuqaasi.

Back to Category