Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax kale oo maanta ka dhacay Muqdisho

Published on: 2007-06-26 08:36:21

(SomaliNet) Ugu yaraan ilaa 4 haween ah ayaa ku geeriyootay, iyadoo tiro intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii qarax uu xoogan uu haleelay haween ka qeybgalayay olole nadaafadeed oo ka socday agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Lama yaqaano in qaraxu uu ahaa mid loola dan lahaa haweenkaasi ka qeybgalayay ololaha nadaafadeed iyo in kale hasee yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in walxaha qarxay ay ku jireen goob qashin yaalay oo ay haweenku nadaafada ka wadeen, waxaana dadka qaarkiis ay sheegayaan in haweenku ay gubayeen qashinka ka hor inta uusan qaraxu dhicin.

Ciidamada booliska dowlada federaalka ayaa durbadiiba soo gaaray halkii uuqaraxu ka dhacay oo u dhaweyd saldhiga ciidanka booliska ee degmada Howl-wadaag, waxayan ciidamadu ay bilaabeen inay gurmad u fidiyaan haweenka soomaaliyeed ee ay dhibaatadu taabatay.

Waa dhibaatadii ugu xumeyd ee soo gaartay haweenka soomaaliyeed ee ka qeybgalayay olole nadaafadeed ee Muqdisho ka socda tan iyo markii ay dowlaad federaalka ee Somalia ay la wareegaan maamulka magaalada Muqdisho, isla markaana uu dhamaaday dagaalkii weynaa ee Muqdisho dhawaan ka dhacay, iyadoo nijad jabkii ugu darnaa uu haatan soo gaaray haweenka soomaaliyeed ee badanaa ka kaalinta weynta ka geysta ololayaasha nadaafadeed ee dib loogu soo celinayo bilicda magaalada Muqdisho.

Back to Category