Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax loo geystay gaariga Ibraahim Shaweeye

Published on: 2007-03-13 09:22:47

(SomaliNet) Ugu yaraan labo qofood ayaa ku geeriyootay intala hubo iyadoo labo qofood oo kalena ay dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen qarax lala helay gaariga Ibraahim Cumar Sabriye ( Shaweeye) oo ah ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho ee xgga amaanka, xili uu ku sii jeeday xaafiiska ee Muqdisho.

Weerarka lagu qaaday gaariga ku xigeenka duqa magaalada Ibraahim Shaweeya ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso isgoyska Folorensa iyo maxkamadii Xararyaale ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ka ag dhow goobta uu ku yaalo xaafiiska masuulkaasi, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dhaawac fudud uu soo gaaray Ibraahim Shaweeye oo ahaa masuulkii lala beegsaday weerarka gaadmada ah sida muuqata.

Wali lama cadeynkaro qaaabka uu qaraxa u dhacay, iyadoo ay warar kala duwan ka soo baxayaan weerarka iyo sida uu u dhacay.

Horay ayaa magaalada Muqdisho loogu daadiyay waraaqo loogu janjabo masuuliyiin uu ka mid ah Ibraahim Cumar Sabriye (Shaweeye)

Back to Category