Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax xalay Muqdisho ka dhacay

Published on: 2007-06-08 06:53:28

(SomaliNet) Qarax aad u xoogan ayaa xalay ka dhacay isgoyska Fagax ee magalada Muqdisho. Wararka laga helayo halka uu qaraxu kadhacay ayaa tilmaamaya in qaraxau uu ka dhacay meel u dhow isgoyska Fagax ee Muqdisho, halkasoo fariisin u ah ciidamada ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia, waxayan qararku cadeynayaan in qaraxa oo ahaa bambaanada nuuca gacanta laga tuuro ay ku dhacday meel banbaan ah oo aan qofna joogin, laakiin markii uu qaraxaasu dhacay ayay ciidamadu ku dhaqaaqeen inay xiraan isla goobtaasi xili uu halkaasi ka socday dhaq dhaqaaqyo kala duwan.

Qaraxni ayaa ku soo beegmaya xili ay maal-mihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka socdeen howlgalo amaanka wax looga qabanayo, iyadoo shalay ay gudaha magaalada ay inta badan isku gadaameen ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Ethiopia iyo kuwa dowlada federaalka Somalia.

Qaraxaan ayaa tilmaamaya in wali Muqdisho laga filankaro qataro kale oo ka dhaca xili ay ciidamada dowlada federaalka ee Somalia gaar ahaan ciidanka booliska ay la tacaalayan wax ka qabashada amaanka Muqdisho.

Maal-mahan dambe ayaa la rumeysan yahay inay yaraadeen qaraxyadii Muqdisho ka dhici jiray tan iyo markii howlgalada isdaba jooga ah ay magaalada ka bilaawdeen, hase yeeshee qaraxa ka dhacay xalay isgoyska Fagax ayaa meesha ka saaraya in la isku haleynkaro xaalada amaanka ee Muqdisho walina ay u baahan tahay in gacan adag lagu qabto si loo xaqiijiyao xaalada amaan ee Muqdisho.

Back to Category