Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax xoogan oo xalay Muqdisho ka dhacay

Published on: 2007-05-05 08:01:28

(SomaliNet) Qarax xoogan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho,iyada oo qaraxaasina uu geystay qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal.

Hal qof oo ka ag dhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac soo gaarey,kadib markii qaraxan uu ka dhacay inta u dhaxeysa hoteelka Ambasador iyo isgoyska km4.

Qaraxan ayaa laga maqlayay guud ahaan magaalada Muqdisho,iyada oo markii uu qaraxa dhacayay ay ahayd xilli magaalada ay aadu degeneyd, qiyaastii markii saacadu ay ahayd 10:10 habeenimo xilliga Muqdisho.

Wadada uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa si aad ah u isticmaala xubnaha sar sare ee dowladda KMG ah iyo saraakiisha ciidamada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG ah iyo maamulka gobolka Banadir oo ku aadan qaraxaan.
Qaraxaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli dhowaan ciidamada Uganda ee AMISOM ay qarxiyeen miino lagu aasay wadada KM4.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee magaalada ka dhaca, tan iyo markii dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ay sheegtay in ay ka adkaatey kooxihii dagaalka kala soo horjeeday.

Back to Category