Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qaraxyo caawa ka dhacay Muqdishu

Published on: 2007-07-07 19:27:42

(SomaliNet) Ilaa saddex qarax iyo rasaas daba socota ayaa caawa abaarahii 8:00 laga maqlay nawaaxiga suuqa weyn ee Bakaaraha ee koonfurta Muqdishu, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo xoogan oo isugu jirta Ethiopian iyo kuwa dowlada KMG.

Dad deegaanka ah oo taleefoonka kula soo xiriiray xafiiska Somalinet ayaa sheegay in qaraxyadu ay u muuqdeen inay ka dhaceen wadada wadnaha oo dhinac marta suuqa bakaaraha.

“Saddex qarax oo isdaba joog ah ayaa dhacay, waxaana ka dib la maqlay rasaas daba-socotay, ilaa hadda ma ogin waxa ay qaraxyadan yihiin, laakiin waxay u muuqdeen weerar lagu soo qaaday askarta joogta isgoyska Howlwadaag,” sidaana waxaa yiri Liibaan Cumar oo taleefoonka ugu waramay Somalinet.

Way adag tahay in si dhab ah loo ogaado khasaaraha ka dhashay qaraxyada caawa bandowga saaran magaalada awgiis.

Magaalada Muqdishu ayaa waxaa caadi ka noqday qaraxyada iyo tacshiiradaha lala beegsano ciidamada dowlada ilaa markii bandowga la saaray todobaad ka hor.

Back to Category