(SomaliNet) Waxaa habenimadii xalay aheyd magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo kala duwan iyo dhowr iska hor-imaad oo ka dhacay qeybo kala gedisan oo Muqdisho ka tirsan.
Isgoysyada Bakaaraha iyo warshada sigaarka iyo taraqa ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhaceen iska hor-imaadyo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada booliska oo bandoowga ilaalo ka hayay iyo kooxo si weyn u hubeysnaa oo aan heybtooda la garan, waxaana iska hor-imaadkaasi la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Lama yaqaano qasaraha dhabta ah ee ka dhashay iska hor-imaadyadaasi dhexmaray cidiamada dowlada iyo kooxaha hubeysan ee dowlada ka soo horjeeda, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in qasaare uu jiro intii uu doonaba ha la ekaadee.
Dhanka kale wali waxaa magaalada Muqdisho ka socda qaraxyadii habeenadaan sida isdaba jooga ah uga socday, iyadoo habeenki xalay ahaa si weyn looga maqlayay dhowr qarax oo is xiga, kuwaasoo sida muuqata lala beegsanyay ciidamada dowlada federaalka ee Somalia ee howlgalka ku guda jira, iyadoo mid ka mid ah ciidamada booliska lagu dilay masjidka Sheekh Cali Suufi ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dadweyne fara badan ayaa xalay loo qabqabtay jabinta bandoowga sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo saxaafada la hadlayay, kuwaasoo aan la oegyn ilaa iyo hada halka lagu hayo.
Dadka Muqdisho ku dhaqan ayaa tilmaamaya in kadibmarkii ay dowlada federalka ee Somalai ay soo rogtay bandoowga ay xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ay fara ka sii baxeysa, waxayan dadku kuu sheegayaan in loo baahan yahay in dowlada Somalia ay ka noqota bandoowga ay Muqdishoku soo rogtay.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!