(SomaliNet) Dhawaaqa rasaas xoog oo la is dhaafsanayo ayaa caawa laga maqlayaa xaafada KPP ee degmada Hodon ee koonfurta Muqdishu, sida dadka deegaanka u xaqiijiyeen Somalinet.
Ilaa hadda lama cadeyn karo waxa ay tahay rasaastaasi oo bilaabatay 10:10-ka fiidnimo laakiin dad ku dhaqan xaafada KPP ee degmada Hodon oo la soo xiriiray Somalinet ayaa sheegaya in rasaasta ay ka dhacayso xaafadooda.
Bandowga saaran magaalada awgii ayaa waxaa adag in si dhab ah loo ogaado waxa ka dhacaya magaalada.
Sidoo kale waxaa dagaal uu ka dhacay meel ku dhow garoonka kubada cagta ee magaalada Muqdishu halkaasoo fariisin u ah ciidamada Ethiopia, waxaana la sheegayaa in goobtaasi ay soo weerareen kooxo hubeysan.
Goor sii horeysay oo fiidkii ahna waxaa tacshiirado iyo qaraxyo ay ka dhaceen xaafadaha ku teedsan jidka warshadaha ee Muqdishu.
Muqdishu ayaa markii uu gabalku dhaco waxaa caadi ka noqday oo dadku ay fishaan maqalka qaraxyo tacshiirado la is dhaafsanayo, taasoo ku kaliftay dad badan in ay guryahooda ka qaxaan cabsi ay ka qabaan qab qabshada ay sameeyaan ciidamada dowlada iyo kuwo Ethiopian-ka.
Horeyna, hay’ada Q.M u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in 35,000 oo ruux ay dib qaxeen caasimada iyagoo lafahooda la baxsanaya.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!