(SomaliNet) Ugu yaraan labo qofood ayaa ku geeriyootay, iyadoo ay tiro intaa ka badana uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii ay maanta qaraxyo kala duwan ka dhaceen Muqdisho.
Qaraxyadaan ayaa ka kala dhacay K.M 4 iyo agagarka isgoyska Sanca ee magalada Muqdisho, iyadoo ay ku soo beegmayaan xili ay maanta Muqdisho soo gaarayeen wafdi ka socda Q.M oo u kuurgalayay xaaladaha bani\'aadanimo ee ka taagan Muqdisho.
Qaraxa ka dhacay agagaarka Sanca ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyootay haweeneyn laheyd miis yar oo gacansi, iyadoo waxaha qarxay ay ka hoos dhasheen miska ay ku ganacsaneysay, lama yaqaano cida halkaasi galisay
Weerarka kale oo lala beegsaday gaari ay leyihiin ciidamada dowlada federaalka ee Somalia oo marayay wadada aada garoonak diyaadaraha ee Muqdisho, halkaasoo ay ka soo dagayeen wafdiga ka socday Q.M ee Muqdisho maanta soo gaaray, iyadoo markii uu qaraxu dhacay uu wafdigu ku hakaday xarunta U.N.D.P ee magaalada Muqdisho.
Maal-mahan dambe waxaa soo badanya qaraxyada ka dhaca Muqdisho, iyadoo meeshii uu qarax ka dhaco ay cidiamada dowlada federaalka Somalia ay baaritaano ka sameeyaan, halkaasoo ay dhibaatooyin kala duwan ay ka soo gaaraan dadka shacabka ah ee aay shaqada ku laheyn qaraxaasi.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!