Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Published on: 2007-06-04 07:44:47

(SomaliNet) Labo qarax oo aad u xoogan ayaa saakay ka dhacay agagaarka isbitaalka SOS ee magalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka qaraxyadaasi ayaa ilaa iyo hadda aan la ogeyn cida wax ku noqotay, hase yeeshee warar lagu kalsoonaankaro ayaa tilmaamaya in qaraxyadaasi uu ku naf waayay wiil dhalinyaro ah oo ka ag dhawaa goobtaasi.

Wararka qaar waxay sheegayaan in qaraxyada lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia oo halkaasi marara, laakiin ma jiraan cid wax ku noqtay oo ka tirsan ciidanka dowlada Somalia.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in kadib markii qaraxu dhacay ay ciidamadu rasaas ku fureen goobta uuqaraxu kadhacay, taasoo dhalisay geerida wiilka dhalinyarada ah ee halkaasi marayay.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada dowlada federaalka ee Somalia iyo kuwa Ethiopia ay baaritaano ka sameeyeen isbitaalka SOS ee Muqdisho, iyadoo deegaankaadaasi ay yihiion meelaha ugu qatarta badan Muqdisho.

Dhanka kale waxaa magaalada Muqsdisho , gaar ahaan warshadii hore ee caanaha ka dhacay qarax aad u xoogan, kaasoo aan ilaa iyo hada la ogeyn qasaraaha ka dhashay qaraxaasi.
Waxaa sii kordhaya qaraxyada ka dhacaya Muqdisho oo fariisin u ah dowlada federaalka Somalia.

Back to Category