(SomaliNet) Iyadoo habeenkii labaad ay xalay u aheyd bandoowgii lagu soo rgay magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa magaalada laga maqlayay qaraxyo meelo kala duwan ka dhacay.
Degmooyin ay ka mid yihiin Kaaraan, Wardhiigleey, Howl-wagaad, Hodan iyo qeybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa laga maqlayay qarax xoogan oo aan ilaa iyo hada la ogeyn qasaaraha ay geysteen sababo la xiriira magaalada oo bandoow aheyd.
Gudoomiyayaasha degmooyinka Kaaraan iyo Hodan ayaa qiray inay tilmaamay in qaraxyada ka dhacay deegaanad ay ka taliyaan ay ka dambeeyeen kooxo nabada diidan doonaya in shacabka ay dhibaato u horseedaan, waxayan labadaasi gudoomiye ugu baaqeen in dadka ku dhaqan magaalada
Muqdisho ay ka hortagaan kooxahaasi dhibaatada horseedaya.
Wararka qaar ayaa sheegayay in qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho lagu arkayay kooxo hubeysan oo gaaf wareegaya gudaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo si weyn u hubeysnaa, hase yeeshee lama sheegin wax qasaare ah oo ay geysteen kooxahaasi.
Dhanka kale labo qofood ayaa meydkooda saakay laga helay xaafada Heliwaa ee magaalada Muqdisho iyadoo aan ilaa iyo hada aan garan cida dishay iyo sababaha loo dilay intaba.
Dadka qaar ayaa ku tilmaamay in bandoowga uu uga sii daray xaaladihii ka taagnaa magaalada Muqdisho ee xagga nabadgelyada halkii awal la doonayay inay ka soo roonaato, waxayan dadku arimahaasi ku macneeyeen in qaraxyadu ay ka soo xoogeyteen sidii ay hore u ahaan jireen.
Ganacsatada tabarta yar ayaa la rumeysan yahay inuu saameynta ugu daran ku yeeshay bandoowga galay habeenkii 2aad ee Muqdisho saaran.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!