Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qaraxyo kala duwan oo Muqdisho ka dhacay

Published on: 2007-05-26 07:12:33

(SomaliNet) Dhowr qarax oo kala duwan ayaa xalay iyo saakay ka kala dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaan ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo qaraxii ugu horeeyay uu xalay ka dhacay meel wax yar u jirta arshadii caanaha ee magaalada Muqdhisho, halkaasoo ay ku sugnaayeen cidiamada dowlada federaalka ee Somalia, kuwaasoo rasaas aad u xoogan furan kadib markii uu qaraxu dhacay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Somalinet la hadlayay ayaa tilmaamay in ciidamadu ay rasaas aad u xoogan ay fureen ka dagaal markii uu qaraxu dhacay, isagoo sheegay in qaraxu uu ku beegmay xili ay ciidamadu baaritaan ku hayeen gaari nuuciisu uu ahaa Fait 124.

Qarax kale ayaa isna a dhacay guri ku yaalo suuqa xoolaha ee Muqdisho, gurigaasoo uu deganaa nin ka tirsan ciidamada madaniga ee xaafadaha Muqdisho, isla markaana taliye u ahaa cidiamada madaniga, iyadoo qaraxaasi uu geystay qasaare lixaad leh.

Sidoo kale qarax kale ayaa ka dhacay agagarka dekeda weyn ee Muqdisho, lama yaqaano wali qasaaraha rasmiga ah ee uu qaraxaasi geystay.

Sidoo kale qarax kale oo lala beegsaday ciidamo Ethiopian ah ayaa saakay ka dhacay Ex, Control Balcad ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay marayeen ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah, kuwasoo la sheegay inay qasare xoogan soo gaareen sida ay sheegeen dad goob-joogaal ah oo Somalinet la hadlay.

Qaraxyadaan ayaa ku soo beegmaya xili ay cidiamada booliska Somalia ay la tacaalayan inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho oo dhawaan lagu wado inuu ka dhaco shirka dib u heshiisnta beelaha Soomaaliyeed, kaasoo la doonayo in lagu dhameeyo qilaafaadka beelaha dhexdooda ah, iyadoo dhawaan uu shaaciyay maamulka gobolka Banaadir in gacan adag lagu qaban doono xaalada amaan ee Muqdisho.

Back to Category