(SomaliNet) Qaraxyadaasi ayaa mid ka mid ah lala beegsaday ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan, kuwaasoo marayay isgoyska Snaca ee magaalada Muqdisho, waxaana ay wararka qaar ay sheegayaan in labo ka tirsan ciidamada Ethiopia ay dhaawacyo ka soo gaareen sida ay xaqiijinayan dadka deegaanka Sanca ku dhaqan oo Somalinet la hadlayay xiligii qaraxu uu dhacay kadib, waxayan dadku noo xaqiijiyeen in gaari nuuciisu yahay Mark2 uu geystay qaraxa, kaasoo bam gacmeed laga soo tuuray ay sababtay dhaawaca labada askari ee ka tirsan ciidamada Ethiopia
Sidoo kale qarax aad u xoogan ayaa isna maanta ka dhacay deegaanka Geedweyne ee Suuqa Bacaad ee degmada Yaaqshiid, halkaasoo la sheegay in lala beegsaday ciidamada dowlada federaalka Somalia oo goobtaasi marayay, hase yeeshee ma jiraan wax war ah oo laga halayo qasaraha uu geystay qaraxaasi.
Dhanka kale qarax ayaa xalay ka dhacay goob shineemo ah oo ku taalo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kadib markii bam gacmeed lagu tuuray shinamadaasi sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 5 ruux, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray in ka badan 10 qofood oo ka mid ah dadkii daawanayay shinamadaasi.
Qaraxyadaan ayaa ku soo aadaya xili ay ciidamada dowlada federaalka Somalia iyo kuwa Ethiopian ah ay howlgalo xoogan ka wadaan magaalada Muqdisho,
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!