Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qax ka bilaawday Muqdisho

Published on: 2007-06-16 07:56:56

(SomaliNet) Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Xamar-Jadiid ayaa bilaabay inay isaga qaxaan deegaanada ay ku nool yihiin kadib markii ay cabsi la soo deristay.

Qaxaan ayaa ka dambeeyay markii ay ciidamada Ethiopia digniin siiyeen qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee deegaanka Xamar-Jadiid in hadii mar kale laga soo weeraro qeyb ka mid ah xaafadahooda ay loa kulmi doonaan jawaab adag, loona baahan yahay in dadka ay ka hor-tagaan kooxaha qaraxyada fariisimada ay ciidamada Ethiopia ku sugan yihiin.

Kulan dhawaan ku dhexmaray qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan iyo odyaasha deeegaankasi Staduim Muqdisho ayaa loogu digay dadka deegaankaasi inay ka hortagaan kooxaha qaraxyada Muqdisho ka geysta, gaar ahaan xaafadda ay iyagu ku dhaqan yihiin sida uu Somalinet maanta u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Arimtani ayaa dhalisay in dadka ay bilaabaan inay isaga baxaan xaafadooda, iyaga oo ka cabsi qaba in kooxaha qaraxyada geysta ay weeraro gaadmo ah u geystaan fariisimada ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan, kadibna ay dhibaato kala kulmaan jawaabta ay ka bixin doonaan ciidamada Ethiopia.

Dadka deegaanka Xamar-jadiid ku nool ayaa la arkayay iyaga oo maanta ka qaxaya deegaanadooda, kuwaasoo ku sii jeeda hareeraha magalada Muqdisho.

Dadka deegaanka Xamar Jadiid ku dhaqan, ayaa arintani u arka dhibaato hor leh oo soo food sartay noloshooda, iyadoo la og yahay in dadka Muqdisho ku nool badankiis ay dhawaan ka soo laabteen qax baahsan.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Banaadir iyo dhowlada federaalka ee Somalia eek u aadan qaxa cusub ee magaalada Muqdisho.

Back to Category