Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qax mar kale Muqdisho ka bilaawday

Published on: 2007-03-14 08:41:34

(SomaliNet) Dad aad u fara badan oo ka mid ah deganayaasha magaalada Muqdisho ayaa saakay la arkayay iyaga oo isaga qaxaya magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ay dib u bilaawdeen weerarkii hoobiyayaasha iyo jawaabtii madaafiicda.

Boosteejeeyinka laga raaco gaadiidka u safra gobolada dalka ayaa maanta mar kale lagu arkayay qoys fara badan oo doonaya inay isaga qaxaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo raba inay ka fogaadaan weerarka hoobiyaha iyo madaafiicda loogu soo jawaabayo, iyadoo dadka ka qaxaya magaalada ay u badan yihiin dadka loo yaqaano biri-mageydada.

Madafiicdii shalay ay iswerdaarsadeen labada dhinac ee dowlada federaalka Somalia iyo kooxaha ka soo horjeeda dowlada Somalia aya la rumeysan yahay inay dib u soonooleeyeen qaxii magalada Muqdisho ka bilaawday tan iyomarkii ay dowlada Somalia soo gaartay Muqdisho iyo markii uu bilaawday weerarda lagu qaado fariisimada dowlada, taasoo keentay waxyeelo xoogan oo soo gaarta dadka rayidka ah ee magaalada Muqdisho ku dhaqan.

Wali waxaa jiifa isbitaalada Muqdisho qaarkood dad ay waxyeelo ka soo gaarto madaafiicda ay labada dhinac isugu jawaabayaan.

Halista ugu weyn ee ay dadka ku nool Muqdisho ay isaga qaxayaan ayaa ah haboowga madaafiicda ee loo tuurayo si ka fiirso la\'aanta ah, taasoo dhibaatooyin kala duwan u geysata dadka Muqdisho ku sugan.

Cabsida laga qabo inuu dhaco weeraro mar kale Muqdisho ka bilaawda ayaa ah mid aad loo filinkaro, iyadoo aysan jirin qorshe cad oo damaanad qaadikara nabadgelyada dadka ku dhaqan magaalada Mqudisho, inkastoo ay dowlada somalia dhowr jeer ku baaqday inay ka hortageyso halista shacabka soo gaarta, laakiin waxa muuuqata inay walui taagan tahay dhibaatada ay dadku kala kulmaan madaafiicda Muqdisho la isku weydaarsado.

Dadka Muqdisho ku nool ayaa helin wali damaanad qaad buuxa oo xagga nabadgelyada ah tan iyo markii ay dhacday dowlada dhexe ee Somalia.

Back to Category