Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qax mar kale ka dilaacay Muqdisho

Published on: 2007-03-25 07:02:22

<|mogadishu200703251.jpg| |left|>
(SomaliNet) Waxaa maanta magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayay dad aad u fara badan oo isaga qaxaya magaalada Muqdisho kadib markii ay soo baxeen in shalay uu guuldaro ku dhamaaday kulankii dhexmaray beelaha Hawiyaha iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Ethiopia ee Muqdisho jooga.

Dadweyne aad u fara badan ayaa maanta isaga baxay Muqdisho kadib markii ay sii korartay cabsida laga qabo in dagaalo qaraar ay ka dhacaan magaalada Muqdish, iyadoo dadka badankii ay u socdaalayeen gobolada dalka qaar sida Afgooye, Ceelasha biyaha, Balcad, Jowhar iyo deegaamada oo Muqdisho ku dhow dhow.

Waxa ugu weyn ee dadka sii baqdinta galiyay ayaa ah in goobaha qaar lagu arkayay ciidamo fara badan oo fariisin ka sameynaya gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo labada dhinac ay wadaan diyaar dagaal oo xoogan.

Dadka inta badan Muqdisho isaga qaxaya ayaa waxaa ugu badan caruurta, haweenka iyo dadka kale ee waayeelka ah, kuwaasoo doonaya inay isaga fogaadaan xaaladaha sii xumaanaya ee Muqdisho ka taagan.

Waa cabsidii ugu xumeyd ee soo marta dadka Muqdisho ku dhaqan tan iyo markii ay dagaalada sokeeye soo mareen dalka Somalia.

Back to Category