(SomaliNet) Odayaashii qaar ka mid ah beelaha Hawiye ee ka soo horjeeday dowlada federaalka kmg-ka SOomaaliyeed ayaa ku kala qeybsamey kulan shalay odayaasha qaarkood ay la yeesheen madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha guddiga odayaasha Cabdi Imaam Cumar ayaa gaashaanka ku dhuftey kulankii lala qaatey madaxweynaha, isaga oo sheegay in been abuur laga sameeyay.
\"Waxaan maqley in odayaasha ka qeyb galay kulanka ay madaxweynaha hor dhigeen warqad la leeyahay waxaa qorey Cabdi Imaan, waana layga been abuurey\" ayuu yiri cabdi Imaam oo sheegay in madaxweynaha loo sheegay in xanuun uu uga soo qeyb geli waayey isaga kulankii shalay.
Wuxuu sheegay cabdi Imaam in isaga uu diidey in uu kulanka ka qeyb galay, kadib markii ay sameysmeen labo guddi oo odayaasha ah, isaga oo sheegay in uu aad uga biyo diidsanaa in uu hogaamiyo odayaasha oo labo u kala jaban.
Wuxuu sheegay gudoomiyaha in arrinta iminka ay ku dhaqaaqeen qaar ka mid ah odayaasha ay tahay mid kala jab ku keeneyso howlihii guddiga.
Dhinaca kale, Maxamed Xasan xaad oo ka mid ahaa odayaashii guddiga Hawiye la baxay ayaa sheegay in uusan ogeyn sabab uu shirka uga maqnaa gudoomiyaha guddiga xubno uu ka mid yahay iyo C/laahi Sheekh Xasan oo guddigaasi door fir fircoon ku lahaa.
Wuxuu sheegay in odayaasha ka maqnaa kulankii shalay ay wargeliyeen, ayna filayaa in kulanka labaad ay ka qeyb galaan.
Afhayeenka guddiga beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa sheegay in kulankii shalay ay ka qeyb galeen dhamaan odayaasha beelaha Hawiye, isaga oo tilmaamay in aysan jirin cid ka maqneyd.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!