(SomaliNet) Wafdi uu hogaaminayo ra\'iisul wasaaraha dalka Somalia Prof, Cali Maxamed geedi ayaa saakay ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Cali Maxamed geedi iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay halkaasi kaga qeybgalaayan shirka madaxda dalalka islaamka oo dhawaan ka furi doona dalka boqortooyada Saudi Arabia, wuxuuna wafdiga ra\'iisul wasaaraha ay sii marayaan dalka Kenya, iyadoo maalinta bari ah ku beega yihiin dalka Saudi Arabia sida uu sheegay Cabdulaahi Muxudiin Codka oo ah kusimaha afhayeenka dowlada Somalia
Wafdiga ra\'iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah maareeyaha dekeda weyne ee magaalada Muqdisho md Cabdi Jiinoow, iyadoo lagu wado in magalada Nariobi ee dalka Kenya ay ka sii raacaan wasiirka arimaha dibada ee dalka somalia Md Ismaaciil Maxamuud Hurre ( Buubaa) iyo xubno kale oo ku welin doona safarka ra\'iisul wasaaraha uu ku tagayo dalka Saudi Arabia.
Madaxweynaha dowlada Somalia ayaa lagu casuumay ka qeybgalka shirka madaxda dalalka islaamka oo dhawaan ka furmayo dalka Saudi, iyadoo madaxweynuhu uu safarkaasi lagu sheegay inuu kaga baaqday howlo shaqo oo muhiin ah uu sida la sheegay inuusan madaxweynuhu ka tagikarin.
Waa markii ugu horeeysay ee ra\'iisul wasaaraha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ay u ambabaxaan dalka Saudi Arabia tan iyo markii loo magacaabay xilka ra\'iisul wasaaraha ee dalka Somalia.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!