Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Ra\'iisul wasaaraha Somalia oo u ambabaxay Mareykanka

Published on: 2007-06-20 09:02:24

(SomaliNet) Wafdi uu hogaaminayo ra\'iisul wasaaraha dowlada federaalka ee Somalia Prof, Cali Maxamed Gedi ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda dalka Mareykanka, halkaasoo la sheegay inay kaga qeybgalayaan shir looga hadlayao arimaha dalka Somalia.

Ra\'iisul wasaaraha intii uuusan ka bixin garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport ee Muqdisho ayuusheegay in kulankaasi uu ka jeedin doono warbixin dheer oo la xiriirta xaalada dalka Somalia iyo sida loogu baaha yahay taageerada beesha caalamka.
Prof, Geedi wuxuu cararbabay in shirka ka dhacaya dalka Mareykan uu muhiimah gaar ah u leeyahay ummadda soomaaliyeed, wuxuuna xusay in looga hadli sidii shacabka soomaaliyeed ay dhibaatada ay ku jireen mudadii 16ka sanno ahey ay uga bixi lahaayeen.


Ra\'iisul wasaaruhu wuxuu kale oo uu sheegay in shir ka dhacaya dalka Ghana looga hadli doono arimaha dalalka Sudan iyo Somalia si buu yiri dhibaatooyinka ka jira dalalkaasi ay midawga africa xal uga gaaraan, wuxuuna tilmamay inuu soo mari doono kadib markii uu ka soo laabto Mareyakanka.
Ra\'iisul wasaaraaha waxaa safarkiisa ku wehliya qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada, waxayna sii mari doonaan magaalada Nariobi ee dalka Kenya.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu ra\'iisul wasaaruhu ku aado dalka Mareykanka tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.

Back to Category