(SomaliNet) Laba qarax oo culus ayaa maanta gelintii dambe ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee koonfurta Muqdishu, halkaasoo ciidamada iskaashaday ee Soomaalida iyo Ethiopian-ka ay ka wadeen howlgalo wada-jir ah oo ay ku baarayeen hub, ayna doonayeen inay ku soo qabtaan waxa ay ugu yeereen dadkii ka haray maxaakimtii Islaamiga ee laga saaray dalka.
Ma cadda weli waxa qaraxyadaasi ay ahaayeen, kuwaasoo dhacay abaarahii 3:45 galabnimo laakiin dad deegaanka ah ayaa u sheegay Somalinet in qaraxyadaasi ay sababeen bom gacmeedyo ku tuuray ciidamada.
Ma jirto khasaare deg deg ah oo soo gaaray askarta, iyadoo dhamaan wadooyinka waaweyn ee caasimada la xiray oo luuq kasta la dhigay ciidamo guud ahaan qeybta koonfureed ee magaalada.
Rasaas la is dhaafsanayey oo socotay 15 daqiiqo ayaa daba socotay qaraxyada.
Dhamaan xarumaha ganacsiga ee koonfurta Muqdishu ayaa la xiray, waxaana loo diiday baabuurta inay ku socdaan magaalada.
Baaritaanka guri-ka-guriga ayaa yimid saacado ka dib markii duqa magaalada Muqdishu Maxamed Cumar Xabeeb ‘Maxamed Dheere’ uu fara-cidi leh kaga badbaaday weerar miino oo wadada dhinaceeda loo dhigay gaari uu watay oo marayey degmada Shibis ee waqooyiga Muqdishu, saakey.
Goob joogayaal ayaa u sheegay Somalinet in bamka uu qarxay markii colonyadii uu saarnaa Maxamed Dheere uu ka dhowaaday goobta la dhigay. Ilaaladii la socotay duqa magaalada ayaa rasaas ooda ka qaaday, iyagoo u furay jiho kasta.
Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ahaa isku day dil oo lagu sameeyey Maxamed Dheere markii labaad.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!