(SomaliNet) Kooxaha wax iska caabinta ee taageera maxaakimta Islaamiga ayaa maanta bambaanooyin ku weeraray ciidamada dowlada KMG ee fariisinkodu yahay nawaaxiga isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee SOS oo ka tirsan degmada Huriwaa ee waqooyiga Muqdishu.
Wax yar ka dib weerarkaasi ayaa ciidamada dowlada waxa ay fureen rasaas jiho kasta laakiin ma jiraan wax khasaare ah oo ay geysteen.
Ciidamada booliska ayaa xoojiyey joogitaankooda fariisimada ay kaga sugan yihiin degmada Huriwaa oo ay ku firfircoon yihiin.
Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa waxaa ay ku dileen maanta suuqii hore ee Hubka Cirtoogte nin dhalin yaro ah oo halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale ka qaatey bastoolad uu watey, sida ay sheegeen dadka deegaanka ah.
Sida uu idaacadda Shabelle u sheegey mid ka mid ah dadka deeganka oo codsadey in aan magaciisa la shaacin, waxa goobta soo gaarey ku dhawaad 10 ruux oo dhalin yaro ah kuwaas oo weydiiyey ninka la diley in uu dhiibo bastoolad la tilmaamey in uu watey, markii uu dhiibey ka dibna ay dileen.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!