Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Rabshado weli ka sii socda degmada Huriwaa

Published on: 2007-09-14 08:40:05

(SomaliNet) Hal ruux ayaa dhintay 3 kalena dhaawac ayaa soo gaarey ka dib markii barqanimadii maanta ay rabshado ka soo cusboonaadeen qeybo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolkan Banaadir oo xaley ay ka dhaceen iska hor imaadyo qaraar.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka ciidamada booliska dowladda Somalia oo saaka baaritaano ka billaabey qeybo ka tirsan degmada Heliwaa ayaa waxa ay halkaasi ku dileen hal ruux iyagoo ku dhaawacey 3 kale, ka dib markii ay dadkaasi haleeshey rasaas ay rideen ciidamada.

Sidoo kale qaraxyo seddex ah ayaa waxaa ay ka dhaceen nawaaxiga Suuqa Xoolaha, kuwaasoo lagu bartilmaameedsanayey ciidamada dowladda Somalia oo halkaasi ku sugnaa.

Inkastoo aan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee uu ka soo gaarey ciidamada dowladda weeraradasi, ayaa waxaa haddana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay arkeen askari ku dhawacmey weeraradaasi, oo haa kuwo is xig xigey.

Waxaa sidoo kale maanta baaritaano ka waday qeybo ka tirsan degmada Heliwaa ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubeysan.

Ciidamada ayaa dib ugu laabtey fariisimadooda ay ku lahaayeen degmada duhurnimadii maanta, lamana sheegin wax hub ah ay ku soo qab qabteen baaritaanadaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan saraakiisha ciidamada oo ka hadashey howl galadan ay ciidamada ka sameeyeen xaafadaha ku yaala degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Xaley ayaa waxa degmadaasi ka dhacey iska hor imaadyo qaraar oo reebey dhimasho iyo dhaawac.

Back to Category