(SomaliNet) Afar Qarax oo kala gooni ah ayaa maanta ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha eek u yaalla koonfurta Muqdishu halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan laba qof oo rayid a, ayna ku dhaawacmeen todobo kale oo qaar ay yihiin boliska dowlada KMG ee Soomaaliya.
Askarta dowlada ee ku lugta leh howlgalo balaaran ee amaanka lagu sugayo ayaa bartilmaameed u ah weeraro bambaano oo ay fuliyaan kooxo mucaarad ah.
“anigoo saakey u deg degaya goobteyda shaqada ayaa waxaa banaanka masaajidka Abu-Hureyra ee suuqa Bakaaraha waxaa ka dhacay qarax, waxa uu ahaa qarax xoogan oo ka dhashay bam gacmeed uu soo tuuray qof aan la aqoon oo ku dhex dhuuntay shacabka,” ayey yiri Aaamino Maxamed oo u waramaysay Somalinet.
Tiro ka mida booliska dowlada ayaa ku dhaawacmay qaraxii ugu horeeyey, iyadoo saddex qarax oo kalena ay ka dib dhaceen.
Lo xaga caafimaadka ayaa sheegaya in dhaawaca booliskala geeyey isbitaal Madiina.
Askarta dowlada maanta markii uu qaraxa dhacay ma aysan furin wax rasaas ah sida ay horey u sameeyn jireen oo kale.
Tobaneeyo rayid ah ayaa lagu dilay, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshadaha Muqdishu ilaa markii dowlada KMG ay bilowday howlgalada baaritaan todobaad ka hor.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!