(SomaliNet) Iyadoo ay soo tarayaan weerarada wax iskacaabin ee lagu hayo fariisimada dowlada ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdishu, ayaa kooxaha Islaamiyiinta waxa ay caawa baasuukayaal ku weerareen saldhiga booliska degmada Wadajir oo ku taalla dhinaca koonfur-galbeed ee caasimada.
Ma jiro khasaare deg deg ah oo soo gaaray askartii ku sugneyd saldhigaasi boolis.
Axmed Daaci, guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa caawa u sheegay warbaahinta gudaha in kooxo muqaawamo ah ay weerareen saldhiga booliska.
Waxa uu sheegay in booliska ay iska caabiyeen kuwa weerarka soo qaaday iyagoo buu yiri ku jawaabay qoryaha boobayaasha.
Dhawaaqa rasaasta la is-dhaafsaday ayaa laga maqlayey guud ahaan degamada, taasoo cabsi ku tuurtay dadka deegaanka.
Xarumaha booliska ee todobaadkan gudahiisa la weeraray waxaa ka mida Wadajir, Hodan, Howlwadag iyo Huriwa.
Dhacdadan ugu dambeysa waxa ay qeyb ka tahay weeraro xiriir ah oo lagu qaadayey fariisimada dowlada dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay.
Ciidamada Ethiopia ee taageerayey dowlada KMG ayaa dalka ka saaray maxaakimtii Islaamiga sanadkii hore dagaal dhiig badan uu ku daadatay oo galaaftay nolosha kumaan kun oo dad ah.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!