(SomaliNet) Wasiirka arimaha dibada ee dalka Ethiopia Mr Seyoum Mesfin oo Muqdisho shalay si qarsoodi ah ku yimid ayaa maanta duhurkii ka ambabaxay magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa intii uusan ka ambabixin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho wuxuu saxaafada u sheegay inuu kulan la qaatay madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed, isla markaana ay isku afgarteen waxyaabihii ay isla soo qaadeen labada dhinac.
Seyoum Mesfin oo xalay Muqdisho ku hoyday, gaar ahan Villa Somalia ayaa ciidamada Ethiopia ee Muqdisho jooga ay amaanka wasiirka si weyn u adkeenayeen intii uu magaalada Joogay.
Dowlada Ethiopia ayaa la filayaa inay ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Somalia, iyadoo kulanka madaxweynaha iyo wasiirka arimaha dibada ee loo maleynaya inay ka wadahadlayaan ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee Somalia ku sugan.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!