(SomaliNet) Cabdinaasir Axmed Aadan ( Seerjito) oo ka mid ahaa siyaasiiyinta Muqdisho ku dhaqan ayaa maanta ay kooxo hubeysani ku dileen xaafada Taleen ee magaalada Muqdisho.
Lama ogo cida dilkiisa ka dambeeysay, hase yeeshee waxa dilka marxuumka ka dambeeyay kooxo hubeysay oo watay gaari, kuwaasoo la toogtay isaga iyo 2 ruux oo kale oo siaga la socday sida ay cadeeyeen dadka deegaanka Taleex.
Cabdinaasir Seerjto wuxuu ka mid ahaa howl wadeenadii marxuum Gen, Caydiid, isagoo xoghaye ka soo noqday ururkii U.S.C garabkii Gen, Caydiid, wuxuuna sidoo kale noqday qunsulkii dowladii Carte u fadhiyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, wuxuuna sidoo kale ka qeybqaatay dhaq-dhaqaaqyadii siyaasadeed ee dalka Somalia ka socday xiligii lagu guda jiray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, wuxuuna dhawaan ka soo bog sooday dhaawac ay kooxo hubeysay uga geysteen agagaarka isgoyska Folorence.
Marxuum Cabdinasir Seerjito wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne sannadkii 1960kii, wuxuna ku soo barbaray isla magaaladaasi, waxna uu ku soo bartay sida ay sheegeen ehelada marxuum Cabdinaasir Axmed Aadan Seerjito.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!