(SomaliNet) Cabdilaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah siyasiyiinta magaalada Muqdisho ku dhaqan ayaa sheegay in dowlada federaalka ee somalia ay iyadu bilaawday dagaalada Muqdisho ka socda.
Md Cabdulaahi sheekh wuxuu sheegay in markii hore ay weerarka bilaabeen ciidamada dowlada Somalia oo uu horkacayo nin sarkaaal ah oo la yiraahdo Dhiig-sokeeye, isla markaana ka mid ah madaxda ciidamada dowlada Somalia ee ka yimid dhanka maamul goboleedka Puntland, wuxuuna sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay dhanka kuliyadda Jaalle Siyaad ay soo qaadeen dad diidan in nabad la gaaro, kuwaasoo uu sheegay inay isku yihii madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed, taasoo uu tilmaamay inay xad gudub ku tahay xabad joojintii lawada gaaray ee dhexmartay ciidamada Ethiopia iyo beelaha Hawiye.
Cabdulaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyna uga soo hor jeeda dowlada federaalka ee Somalia ayaa eedeyntiisa waxay ku soo beegmeysaa xili ay beelaha Hawiye qaarkood ay xalay heshiis xabad joojin ah ay wada gaareen ciidamada ethiopia saraakiil ka socota, inkatoo aysan wali dowlada Somalia ka hadlin heshiiskaasi.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!