Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Soomaali lagu halaagay xeebaha Yemen

Published on: 2007-09-11 13:15:44

(SomaliNet) Hay\'ada Q.M ugu qaabilsan xaga qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dhowr iyo toban qof oo socota ah oo ay ku jiraan Soomaali ay todobaadkii hore ku hafteen xeebta badda cas iyagoo doonaya inay galaan dalka Yemen.

Ilaa afar doonyood oo ay saaran yihiin in ka badan 300 oo muhaajiriin ah oo isugu jira Somali iyo Ethiopian ayaa ka degay xeebaha dalka Yemen sideedii cisho ee la soo dhaafay oo ay aheyd bilowga xiliga bad furanka, sida uu sheegay afhayeenka UNCHR Ron Redmond.

Dadkii ka badbaaday safarka badda ayaa sheegay in kooxaha wata doonyaha ay garaaceen dadkii socotada ahaa oo ay qaarkood tooreeyo la dhaceen.

Safarka halistaasu leh ayaa haddana Soomaali badan ay ku bixiyaan lacag u dhaxeysa 60 ilaa 100 doolar.

Ugu yaraan shan muhaajiriin ah ayaa lagu xadgudbay oo doonta laga tuurtay, iyadoo lix kalena ay dhinteen markii uu naqaska ku xirmay oo lagu xabisay qanka hoose ee doonta, sida uu sheegay afhayeenka UNHCR Redmond.

Qaxootiga Soomaalida ayaa u sheegay shaqaale ka tirsan UNHCR oo ku sugan dalka Yemen in ay ka soo carareen rabshadaha ka jira dalkooda oo isugu jira dilalka aan kala sooca laheyn, abaaraha iyo shaqo la\'aanta.

Dad badan waxa ay sheegeen inay doonayaan inay ku biiaan qoysaskooda jooga dalalka Yemen iyo Sacuudiga.

Ururka caalamiga ee xaga socdaalka ee IOM ee fadhigiisu yahay magaalada Geneva ayaa sheegay in ay dhaqaale u raadinayaan dadka magan galyo doonka ee taga dalka Yemen iyo in xaga waxbrashada laga caawiyo dadka Soomaalida ee Soomaaliya jooga oo looga sheekeeyo khataraha ay kala kulmayaan gacanka Cadan marka ay ku safrayaan.

Afhayeenka IOM Jean-Philippe Chauzy ayaa in muhaajiriin yar ay ka war qabaan khataraha ay kala kulmi karaan socdaalka xaga badda iyo sidoo kale dhibaaada ay kala kulmayaan socodka dheer ee ay marayaan saxaraha kulul ee leh haraadka iyo gaajada.

Ilaa 26,000 oo isugu jira muhaajiriin iyo magan galyo doon ayaa galay dalka Yemen iyagoo maray xaga badda sanadkii hore, sida lagu sheegay tiro koob ay soo saartay UNHCR.

Back to Category